Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya Maanta

Waxaa Maanta oo Arbaca ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmo shirka hanaanka madasha wadatashiga qaran.

shirkaan oo ay wada yeelanayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa ka hadlaya arimaha la xariira doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan.

Xalay waxaa magaalada Muqdisho ka soconayay shirar Gaar Gaar ah oo ay yeelanayeen madaxda Soomaalida oo ay ka hadlayeen arimaha doorashada.

Warar ay heshay Puntlandpost Xafiiska wararka ee Muqdisho ayaa sheegaya in Shirkaan ay hareeyn doonto maanta muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha Somalia xasan Sheekh iyo dowladiisa.

Madaxda Soomaalida qaarkood ayaa ka biyo diidsan in muddada loo kordhiyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa iminka muuqanaya dib u dhac balaaran oo doorashada ku saabsan waayo waxaa jira in ilaa iyo iminka aan la qaadin tilaabooyin dhanka doorashada iyo soo xulista Xildhibaanada soo socda.

Xiliga doorashada dalka ay ka dhaceeyso ayaa waxaa ka dhiman wax ka yar 40 Cisho.

Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho