EYl-(Puntland Post) Guddiga ansixinta gollaha deegaanka degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa maanta shaaciyay liiska xildhibaanada cusub ee gollahaasi, kuwaasoo maalinkii shalay la shaaciyay in howshooda la gudo galay.
Guddiga ayaa Puntland Post u sheegay in lasoo xulay 21 xildhibaan labada xildhibaan ee harayna ay ku dhaceen sharuudihii looga baahnaa balse ilaa galinka danbe ee manta lasoo saari doono magacyadooda.
Xildhibaanada cusub ayaa lagu dhaariyay xafiiska mamulka Eyl, waxaana goob joog ahaa gudoomiyaha gobalka Nugaal, wasiiru dowlaha wasaradda arrimaha gudaha Puntland iyo masuuliyiin kale, xildhibaanada cusub waxaa ku jira gudoomiyaha iyo ku xigeenka xilka ka dhammaaday ee Eyl.
Cumar Cabdilaahi Farawayne, Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo ka hadlayay munaasibada dhaarinta xildhibaanada cusub ee EYl ayaa sheegay in la joogo waqtigii laga shaqayn lahaa horumarinta degmada Taariikhiga ah ee Eyl, waxa kale uu sheegay inay mar kasta astaan u tahay mamulkiisa ka shaqaynta nabadgalyada iyo horumarka.
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Puntland Cali Yuusuf Jaamac ayaa ku dhawaaqay in maalinta berito ah la qaban doono doorashada gollaha deegaanka degmada Eyl, waxa uuna meesha kaga dhawaaqay in wixii ka horeeya maalinta berito cid kasta ay u madax banaan tahay inay xilkaasi isku soo sharaxdo.
Dhismaha gollaha deegaanka degmada Eyl ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay socotay iyadoona mamulka cusub ee la dooran doono lagu wado inay bilaabaan barnaamijyo horumarineed.
























PUNTLAND POST