Bannaanbaxyo looga soo horjeedo go’aanka dowladda federaalka ee habka doorashada 2016, laguna taageerayo mawqifka dowladda Puntland, ayaa ka dhacay magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaaso.
Dadka ka qayb gelaya mudaharaadyadan ayaa ku qaylinaaya ereyo ay ku diidan yihiin waxay ugu yeereen Go’aamada ay Beesha caalamku ku Khasbayso umadda Soomaaliyeed, Iyagoo Taageero weyn u muujinaaya xukuumada Madaxweyne Gaas oo go’aan cad ka qaadatay inay umada Soomaaliyeed kusii socoto hanaankii hore ee 4.5.
Dawlada Puntland oo Madaxa lasii gelaysa 20 sano ayaa horseed u ahayd dhismaha Dawlada Federalka ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho, Mase cada Go’aanka xiga ee ay Puntland qaadi doonto.
Dhan kale Madaxweyne Gaas ayaa maanta laga sugayaa Magaalada Bosaaso.
Puntland Post kala soco sawirada iyo faahfaahinta bannaanbaxyadaas.