4.5 oo la meel mariyey iyo madaxweyne Gaas oo sheegay in uu talada dib ugu soo celinayo shacabka Puntland

Muqdisho (Puntland Post) — Kaddib go’aankii nooca doorasho ee 2016 ee ay soo saareen madaxda dowladda federaalka, taageeraysa beesha caalamkuna ku taageertay, ayaa madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu sheegay in aysan ku raacsanayn go’aanka doorashada laga gaaray.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in nidaamka hadda la qaatay ee lagu soo xulayo baarlamaanka cusub uusan Soomaaliya meel gaarsiin karin, ayna ka hor yimaadeen, waxana uu caddeeyey in talada uu dib ugu soo celinayo shacabkii uu matalayey ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in mamulka Jubbaland oo markii hore diiddanaa nidaamka qabiilka 4.5 ogolaadey markii go’aanka la soo saaray taas oo ka dhigeysa in mamullada kale iyo dowladda federaalku isku raaceen in baarlamaanka cusub lagu soo xulo hab qabiil.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa horey warbaahinta gudaha ugu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ogolaadeen nidaamka 4.5, taas oo dad badani siyaabo kala duwan u hadal hayeen.


PUNTLAND POST