Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ku baaqay in la caawiyo Sowda Cabdi Aadan

Garowe-(Puntland Post) Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimadda ugu caansan Soomaaliya ayaa umadda islaamka ugu baaqay inay soo caawiyaan Sowda Cabdi Aadan oo ah lix jir mudo afar sano ah xanuunsan, ka dib shir jaraa’id ay ku qabteen guddiga dhaqaale aruurinta xarunta Jaamacadda Bariga Africa Garowe.

Shiikh Maxamuud waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la isku naxariisto nala soo caawiyo qoyska ay ka dhalatay Sowda oo aad u tabar yar, waxa kale uu umadda Soomaaliyeed ka cod-saday in korbada ay ku jiraan laga saaro lagana qayb qaato dhaqaale aruurinta lagu doonayo in dhakhtar dibadda ah lagu geeyo.

Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo ka mid ah wariyaasha Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka waramay xaalada Gabadhan, wuxuna sheegay inaan dalka waxba looga qaban karin sidaasi darteedna loo baahan yahay in lasoo caawiyo xagga dhaqaalaha.

Ibraahim Muuse Dahraan (Wadani) oo ku hadlayay guddiag u kacay caawinta Sowda Cabdi Aadan ayaa ka waramay marxaladaha ay soo martay dhaqaale aruurinteeda waxa kale uu sheegay in hadda la joogo waqtigii ugu wanaagsanee ee Gabadhaasi yarta ah lagu caawin lahaa, Waddani ayaa tilmaamay inay hadda aruuriyaan lacag ku dhow 14-kun hase yeeshee weli loo baahan yahay dhaqaale kale maadama Gabadhaan loo qaadayo wadanka dibadiisa.

Umadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa inay Gabadhaan soo caawiyaan, wixii aad u awoodo fadlan ugu soo hagaaji.
D/Shiil:- GRWD0004738
AMAL:-0704046260201.
00252907749546 ama
00252907744413 ama
00252907766010.
2

1

3

4

5

6
PUNTLAND POST