Nairobi – (Puntland Post) -Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka uduulay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Eldoret. Madaxweyne Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Eldoret ku soo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Ujeedada socdaalka madaxweynaha ee Eldoret ayaa ah inuu ka qayb galo munaasabada halkaas ka dhacaysa maanta oo lagu baroor diiqayo asakartii Kenya ee Al-shabaab ku laayeen tuulada Ceel-Cade ee gobolka Gedo.
Waxaa sidoo kale munaasabadan ka qayb galay madaxweynaha dalka Nigeria general Buhari. Madaxweynaha Nigeria ayaa la sheegay in munaasabad maamuus sare leh oo soo dhaweyn ah loogu diyaariyay garoonka iyadoo uu garoonka ku soo dhaweeyn doono madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen xerada Ceelcade 15/01/2015 ayaa waxaa ciidanka Kenya ka soo gaadhay khasaare lixaad leh inkasta oo aan tirada ciidamada Kenya halkaa kaga dhimatay la aqoon.