Gaalkacyo-(PuntlandPost)- Ciidamada maamulka Gal-mudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxaysa magaalada Galinsoor ee gobolka Gal-gaduud iyo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay kusoo qayb teen rag halkaasi isbaarooyin u yaaleen.
Shacabka ku nool deegaanada u dhaxaysa labada magaalo ayaa dhowr jeer ka cowday isbaarooyin lagu dhibaateeyo oo halkaasi la dhigo.
Saraakiil ka tirsan Gal-mudug ayaa sheegay in howlgalada ay uga jawaabeen qaylo dhaanta kasoo yeertay dadka deegaanka, waxayna xuseen inay ka hortagayaan falalk amaan daro.
Gobolka Gal-gaduud oo ay ka kala taliyaan Ahlusuna iyo Gal-mudug ayaa ah mid dadka ku nool ay inta badan ka cawdaan Amaan daro uga timaada labada dhinac, oo mid walba rabo inuu la wareego gacan ku haynta gobolka.
PuntlandPost.com.