Garowe-(PuntlandPost) Gudoomiyaha madasha midnimada iyo dimoqraadiyadda marna soo noqday R/wasaare, Cabdiweli Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanada Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magalada Garowe.
Soo dhawaynta wafdiga Cabdiweli Shiikh Axmed waxaa ka qayb galay mamulka degmada Garowe, ururka haweenka Puntland iyo siyaasiyiin kale.
Cabdiweli Shiikh Axmed oo xalay ku hoydey degmada Qardho ayaa socodkiisa Garowe waxa uu salka ku hayaa kulamo wadatashiyo ah oo uu la qaadanayo madaxda Gobalka, siyaasiyiinta,haweenka,dhalinyarada iyo waxgaradka, hadal kooban oo uu soo dhawayntiisa ka jeediyayna waxa uu sheegay inuu jiri doono wada hadal.
Gudoomiyaha ururka Haweenka Puntland iyo gudoomiye ku xigeenka Garowe ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya mar kale kusoo dhaweeyaan magalo madaxda Garowe, iyagoona cadeeyay in safarkiisan uu ahaa mid aan horay loogu war galin.
Siyaasi Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa qayb ka ah socodkiisa Garowe, wararka madax banaan ayaa sheegaya siyaasiyiintan inay u xusul duubanayaan doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 2016, walow madaxda ku shirsan Kismaayo ay isku afgaran waayeen waddada doorashada loo marayo.
Z0000037
















Puntlandpost.com