PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Imaaraadka oo ka jawaabay go’aanka dowladda Soomaaliya

Share

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay si adag u cambaaraynayso hadallada xanafta leh ee ka soo yeeray dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwa wiiqi kara xiriirka labada dal.

Dowladda Imaaraadka Carabta waxay sheegtay in khilaafka iyo kala qaybsanaanta gudaha Soomaaliya ka jirta aan laga dhigin mid u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, islamarkaana xiriirka labada dhinac uu noqdo mid ku salaysan danaha labada dal.

Sidoo kale dowladda Imaaraadka waxay xustay in safiirkeedii Muqdisho iyo shaqaalihii safaaradeeda ay la baxday bishii Jannaayo 2026, kaddib markii sida ay sheegtay ay cadaawad u muujisay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa tilmaantay in ay sii wadi doonto xoojinta xiriirada iyo danaha labada dhinac ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyada oo aad ugu mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST