Maamulka gobolka Nugaal oo ay hoostagto magaalada caasimadda ah ee Garoowe ayaa mamnuucay shirar siyaasadeed iyo kulamada aysan ka warheyn dowladda.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Foodcade) ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku wargeliyay hoteelada, jaamacadaha iyo goobaha shirarka in aan xarumahooda lagu qaban karin shirar siyaasadeed oo aan ogolaansho ka haysan dowladda.
Guddoomiye Foodcade wuxuu faray taliska qaybta booliska gobolka Nugaal in ay tallaabo ka qaadaan ciddii u hoggaansami wayda amarka uu soo saaray.
Puntland waxay go’aankan oo kale hore uga soo saartay gobollada Mudug iyo Karkaar, kuwaas oo ay ka mamnuucday shirar siyaasadda ee aan iyada lagala tashan.

PUNTLAND POST
