
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-Sisi, kaas dhinac socday madasha ganacsiga Afrika ee ka socota magaalada Al-Calamayn.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay si adag u taageerto madaxbannaanida iyo ilaalinta midnimadda Soomaaliya, isaga oo xusay in ay dowladdiisu doonayso in ay sii waddo dhammaan noocyada taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.
Al-Sisi oo ka hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo is-afgaradka iyo wada shaqaynta dhex marta dhammaan dhinacyada iyo qaybaha kala duwan ee Soomaalida, si loo ilaaliyo midnimada dalka, xasilloonidiisa, loogana fogaado caqabadaha amni.
Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa dhankiiisa uga mahadceliyay Masar taageerada siyaasadeed, amni iyo horumarineed ee ay siiso dowladdda Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay dadaallada dowladda uu hoggaamiyo Al-Sisi ku taageerayso midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya.
PUNTLAND POST