Afwerki oo kulan la qaadanaya hoggaamiyeyaasha Masar, Suudaan iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Eleteriya Isaias Afwerki ayaa maanta u safray dalka Masar halkaas oo uu kaga qaybgalo madasha ganacsiga Al-Calamayn iyo wadahadallo gaar ah oo la filayo in uu la yeesho hoggaamiyeyaasha Masar, Suudaan iyo Soomaaliya.

Socdaalka Afwerki ayaa yimid xilli xiisadda gobolka ay marayso meel xasaasi ah, islamarkaana maalin ka hor ay safaaradaha kala qaateen Itoobiya iyo Eleteriya, taas oo ay weheliso tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay iska qaadeen Itoobiya iyo Masar.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Eleteriya iyo Masar in ay taageeraan kooxaha dagaalka ka wada waqooyiga dalkeeda, kuwaas oo hadda ay ka adkaatay xukuumadda Abiy Axmed.

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa maanta qabsaday caasimadda Tigrey ee Maqalle, waxaana ka huleeshay kooxda TPLF oo todobaadyo ka hor ku fiday deegaannada Tigreyga, Amxaarada iyo Canfarta.

PUNTLAND POST