Muxuu yahay ujeedka uu Xasan Sheekh u tagay Al-Calamayn?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgalaya madasha Al-Calamayn oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dhaqaale, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dardargelinta horumarka qaaradda Afrika, iyada oo madaxda iyo wakiillada dalalka Afrika ay ka wada hadlayaan fursadaha maalgashi, kobcinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu Shir Madaxeedka Ganacsiga Afrika ku soo bandhigayo fursadaha maalgashi iyo awoodda dhaqaale ee dalka Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Al-Calamayn, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegay in uu kulamo la yeelanayo madaxda dalka Masar, kuwaas oo looga wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal.

PUNTLAND POST