
Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay xirtay safaaradii Eleteriya ee Addis Ababa, iyada oo amar ku siisay 10 diblomaasi oo dalkaas u dhashay in ay dalkeeda uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.
Sidoo kale Itoobiya waxay shaaciyay in ay xirtay safaaradeedii Eleteriya ee Asmara, islamarkaana ay la baxday diblomaasiyiinteedii, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.
Itoobiya ayaa ku eedeysay diblomaasiyiinta ay cayrisay in ay lug lahaayeen howlo khatar ku ah amniga dalkeeda, taas oo ay ula jeedo in ay Eleteriya hurinayso colaadda waqooyiga dalkeeda.
Eleteriya ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in ay jartay dhammaan xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Itoobiya, iyada oo ku eedeesay Addis Ababa in ay muddo saddex sano ah wadday siyaasad nacayb iyo cadaawad.
PUNTLAND POST