Mustafe Cagjaf oo markale loo doortay madaxweynaha DDS

Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) ayaa markale loo doortay in uu noqdo madaxweynaha 5 sano ee soo socota hoggaamin doona Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Mustafe Cumar waxaa doortay Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee cusub, kuwaas oo iyaguna isla maanta guddoomiye cusub u doortay Mubashir Dubad Raage.

Mustafe Cumar ayaa hoggaaminayay Dowlad Deegaanka Soomaalida tan iyo 2018, isaga oo marna ahaa kusime madaxweyne marna ahaa madaxweynaha rasmiga ah.

PUNTLAND POST