Puntland oo soo bandhigtay markabkii Burcad-badeedda laga furtay ee SIBU 1

Magaalada Boosaaso waxaa maanta la soo gaarsiiyay markabka SIBU 1/SEAMUL oo maalmo ka hor laga furtay koox Burcad-badeed ah oo ku haysatay xeebaha Puntland.

Taliye ku-xigeenka howlgelinta ciidamada badda Puntland ee PMPF Col. Maxamuud Abshir Leewar ayaa xubno ka tirsan golaha wasiirada oo booqday markabka siiyay warbixin ku saabsan xaaladda markabka ee shaqaalaha, hantida iyo badqabka guud.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin wax markab ah oo hadda Puntland ugu af-duuban Burcad-badeed.

Dhankiisa, Kabtanka markabka oo hadlay ayaa  Puntland uga mahadceliyey sida ay uga hawlgaleen soo furashada markabka iyo shaqaalihiisa, isaga oo xusay dadaalka iyo guusha laga gaaray howlgalka.

Waiirka amniga Puntland Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Shaakir Maxamed Guuled iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Bille Maxamuud Qabowsade ayaa dhankooda faahfaahin guud ka bixiyey howlgallada ka dhanka ah Burcad-badeedda iyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida xeebaha Puntland.

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale fariin adag u direen cid kasta oo ku lug yeelata falalka burcad-badeednimada, iyaga oo caddeeyay in sharciga la horkeeni doono, lana marsiin doono tallaabooyinka sharciga ah ee waafaqsan dambiyada ay galeen.

Puntland waxay markale ku celisay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga xeebaha iyo la dagaallanka falalka burcad-badeednimada iyo dambiyada kale ee badda.

PUNTLAND POST