Puntland oo la dagaalamaysa kalluumeysiga sharci-darrada ah

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ka daahfuray qorshe lagula dagaalamayo kalluumeysiga sharci-darrada ah ee xeebaha Puntland.

Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa loo qorsheeyay in ay xeebaha Puntland ka ilaalin doonaan doonyaha iyo maraakiibta sida sharci-darrada ah uga kalluumeysata.

Mas’uulyiintii ka qaybgalay daahfurka howlgalka la dagaalaanka kalluumeysiga sharci-darrada ayaa cod dheer ku sheegay in si wadajir ah dowlad iyo shacaba looga qaybqaato howlgalkan.

Saraakiisha iyo ciidamada PMPF ayaa amar lagu siiyay in ay xoojiyaan howlgalka la dagaalaanka kalluumeysiga sharci-darrada ah ayna sharciga horkeenaan doontii ama markabkii badda soo gala isaga oo aan dowladda Puntland ka hasan warqada ruqsada ah.

PUNTLAND POST