
Madaxweynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar ku tagay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas kulan kula qaatay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyaga oo si gaar ah u dul istaagay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha quseeya nabadda, xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay iyo maanta isu maray dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, waxaan safarradaas lagu sheegay kuwo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska ah, iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo danaha dalka iyo xasilloonida gobolka.
PUNTLAND POST