
Burcad-badeeddii ka degtay markabka Eureka ayaa shaqaalihii oo badqaba ku wareejiyay dadka deegaanka Hulcaanood ee gobolka Karkaar.
Mid kamid ah waxgaradka deegaankaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay kooxda Burcad-badeedda ah ku wareejiyeen shaqaalihii markabka oo dhan 12 xubnood, kuwaas oo 8 kamid ah yihiin Masaari, halka afarta kalana u dhasheen Hindiya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ay markabka ku soo caarisiiyeen xeebta Hulcaanood, iyaguna ay ka baxeen deegaanka. Burcad-badeedda ayaa tallaabadan qaaday iyaga oo ka cabsi qabay in ay Puntland ku soo weerarto markabka.
Markabka Eureka oo siday shidaal ayaa la afduubay 2-dii bishii Maajo ee sanadkan, isagoo marayay biyaha Yemen, wuxuuna ku gooshayay calanka Togo.
PUNTLAND POST