Puntland: Burcad-badeed dishay shaqaale u dhashay Pakistan

Howlgalkii ay Puntland ku qaaday markabka Honour 25 oo ay haysatay koox Burcad-badeed ah ayaa sababay dhimashada qaar ka mid ah shaqaalihii markabka.

Wararka ayaa sheegaya in 5 shaqaale ah oo u dhashay dalka Pakistan ay dishay kooxda Burcad-badeedda, kuwaas meydkooda loogu tagay markabka dushiisa.

Markabka MT Honour 25 waxaa saarnaa 17 shaqaale ah oo 10 ka mid ah yihiin muwaadiniin u dhashay dalka Pakistan.

Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa markii ay markabka furteen sheegay in ay badqabaan shaqaalaha markabka, balse warkaas dib ayaa looga saaray bartooda Facebook-ga oo markii hore la soo dhigay.

Qoysaska badmaaxiinta Pakistan ayaa dhawaan mudaharaad ka dhigay magaalada Karachi, kuwaas oo dowladooda ka dalbanayay in si degdeg ah loo soo badbaadiyo eheladooda ay haysato Burcad-badeedda Soomaalida.

Markabka Honour 25 oo ku gooshayay calanka dalka Palau ayaa la afduubay 21 bishii Abriil ee sanadkan, waxaana la sheegay in uu shidaal u siday Muqdisho, islamarkaana ka yimid Cumaan.

PUNTLAND POST