Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan  horumarinta iskaashiga dalalka gobolka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga dalalka gobolka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka villa Somalia”.

Kulanka labada hoggaamiye ee Addis Ababa ayaa ku soo aaday, xilli ay Itoobiya ka socdaan dagaallo culus iyo isbahaysi 7 urur oo ka soo horjeeda xukuumadda dalkaas, halka Soomaaliya ay ka jirto khilaaf doorashooyin oo sababay dagaallo iyo kala fogaansho.

PUNTLAND POST