
Puntland ayaa sheegtay in ay weeraray markabka Honour 25 oo koox Burcad-badeed ah tan bishii Abriil ee sanadkan ku haysteen xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu yiri “ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa goordhow weerar ku qaaday marakabkii labaad oo koox Burcad-badeed ah ku haysatay deegaanka Dharinbaar oo ka tirsan degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar”.
Puntland waxay sheegtay in ciidmada PMPF ayaa markabka hareereeyeen, islamarkaana guul hordhac ah laga gaaray howlgalka.
Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah kooxda Burcad-badeedda ay shalay ka degeen markabka, kadib markii ay wada hadal la gashay Puntland.
Markabka Honour 25 oo ku gooshaya calanka dalka Palau waxaa mulkiyadiisa sheegtay ganacsade Cismaan Shire Quud oo ka soo jeeda Puntland, kaas oo tilmaamay in uu shidaal u siday Muqdisho.
Puntland ayaa maalmo ka hor furatay markabka SIBU 1 oo koox Burcad-badeed ah ku haysatay xeebaheeda, iyada oo howlgalkaas ay ka qaybqaateen maleeshiyaad Ciraaqi ah oo ka socday shirkadda leh markabka.
PUNTLAND POST