Puntland oo dil ku xukuntay rag ku eedeysan Daacish

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa xukun ku riday 7 nin oo ku eedeysan in ay xiriir la leeyihiin ururka Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ku xukuntay saddex eedeysane oo kala ah; Cabdi Yaasiin Ismaaciil Sugulle, Maxamed Rooble Maxamed Nuur iyo Cabdiraxmaan Cabdi Siciid oo maqane ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Daacish.

Sidoo kale maxkamaddu waxay xabsi ciidan oo shan sano ah ku xukuntay eedeysanayaash Caydaruus Xirsi Ciise, Cabdixakiin Cabdullaahi Xalliye, Gaabshe Maxamuud Xasan iyo Maxamuud Gaacshe Cismaan.

Eedeysanayaasha xukunka lagu diray waxaa u furan in ay muddo bil gudaheed ah racfaan u qaataan maxkamadda sare ee ciidamada Puntland.

PUNTLAND POST