Dagaalka Baydhabo: Garabka Laftagareen oo shaaciyay khasaare uu gaystay

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo warfaafinta ugu magaaban Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in ciidankoodu gubeen mid ka mid ah gawaarida gaashaanan ee dowladda Turkiga siisay ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale Ugaas Xasan oo guurka ka soo hadlay wuxuu sheegay in ay gubeen bakhaarkii keydka hubka ciidamada federaalka ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Dhanka kale maamulka Koonfur Galbeed ee hoggaamiyo Aadan Madoobe ayaa ciidamada soo weeraray magaalada Baydhabo ku tilmaamay Al-shabaab, iyaga oo guul sheegtay.

Weli rasaas xoogan ayaa ka dhacaysa gudaha magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda, waxaana wararka hordhaca ah sheegayaan in uu jiro khasaare badan oo ka dhashay dagaaka.

Dhowr dagaal oo noocaan ah ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo tan iyo intii meesha laga saaray maamulkii Laftagareen, kuwaas oo sababay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

PUNTLAND POST