Wejiga koowaad ee mashruuca biyo-saarka Garoowe oo xarigga laga jaray

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo madaxa ugu sarreeya Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Hideki Matsnaga ayaa maanta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee mashruuca biyo-saarka magaalada Garoowe.

Mashruucan oo lagu magacaabo Nagaad, oo ka mid ah mashaariicda biyo-saarka ee ugu waaweyn ee laga hirgeliyey Soomaaliya, ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe iyo Bangiga Adduunka, waxaana fulisay shirkadda TTN. Sidoo kale, Hay’adda UNOPS ayaa mashruuca ka qayb qaadatay dhinaca qiimeynta.

Munaasabadda xarig jarka waxaa ka qaybgalay wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Puntland, agaasimaha guud ee madaxtooyada, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiinta mashruuca Nagaad, Injineerada dhisay biyo-saarka, nabaddoonno, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka hadlay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay biyo-saarka magaalada Garoowe, isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii Garoowe looga dhigi lahaa magaalo nadiif ah, islamarkaana biyaha roobku ay si habsami leh ugu mari lahaayeen marinnada loogu talagalay.

Mashruucan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya horumarinta bilicda magaalada, yaraynta dhibaatooyinka ay sababaan biyaha roobka iyo hagaajinta kaabeyaasha biyo-mareennada caasimadda Puntland.

PUNTLAND POST