Puntland oo xog cusub ka soo saartay furashada markabka SIBU 1

Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa caawa faahfaahin dhammeystiran ka bixisay howlgalkii ay saaka ku furteen markabka SIBU 1/SEAMUL oo u afduubnaa koox Burcad-badeed ah.

PMPF waxay sheegtay in kooxda markabka haysatay ay dhammeyd 47 qof, islamarkaana howlgalka uu ku dhintay 1 qof, 46 ka mid ah oo shan dhaawac tahayna la qabtay.

Dhammaan shaqaalihii markabka saarnaa ayaa PMPF xustay in ay badqabaan, kuwaas oo tiro ahaan dhan 20 ruux oo ka soo kala jeeda dalalka Hindiya (16), Suuriya (2), Ciraaq (1) iyo Suudaan (1).

Markabka SIBU 1 oo ah kuwa shidaalka qaada waxaa 20-kii bishii la soo dhaafay ee Agoosto laga soo afduubtay xeebaha dalka Yemen, isaga oo ku gooshayay calanka dalka Eleteriya.

PUNTLAND POST