
Magaalada Wilmar gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waxaa habeenimadii isniinta lagu dilay labo wiil oo Soomaali ah, halka mid saddexaad la gaarsiiyay dhaawac culus.
Labo wiil ee la dilay iyo kan la dhaawacay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yaasir, Khaalid iyo Diiriye, kuwaas oo da’doodu u dhaxaysay 19 jir ilaa 20 jir, sida ay baahisay warbaahinta gudaha Maraykanka.
Dilka waxaa la sheegay in ay gaysteen rag la tuhunsan yahay in ay yihiin Soomaali kale, iyada oo dhacdadan ay ka dhacday beer lagu magacaabo Rau.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay degenaayeen magaalada Willmar oo 100 mayl u jirta magaalada Minneapolis.
PUNTLAND POST