Golaha Mustaqbalka: Mucaaradka keliya ee na soo raaca waa Farmaajo

Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa sheegay in mucaaradka keliya ee iyaga soo raaca ay u aqoonsan yihiin madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxay sheegeen in aysan mucaarad u aqoonsanayn xubno hore uga baxay Golaha Samatabixinta oo beesha caalamka la gala shirarka looga hadlo arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay gacan-saar la leeyihiin Villa Somalia.

Hadalkan waxaa xalay sheegay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad oo ka mid ah guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka, kaas oo si qoto dheer uga hadlay marxaladihii ay isla soo mareen Golaha uu ka tirsan yahay iyo Dowladda Federaalka.

Wuxuu ka dhaqaajiyay in uusan jirin wax heshiis ah iyo wadahal hadda u socda Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka, kaas oo la xiriira ismariwaaga arrimaha doorashooyinka.

PUNTLAND POST