
Puntland ayaa galabta sii daysay ciidankii iyo gaadiidkii ay ku qabtay magaalada Gaalkacyo, iyada oo ku wareejisay maamulka deriska la ah ee Galmudug.
Puntland ayaa sheegtay in ay baaris ku ogaatay jn ciidanka iyo gaadiidka ahaayeen habow soo lumay oo u socday tababar, islamarkaana ka tirsan Galmudug.
Sidoo kale Galmudug ayaa sheegtay sidaas si la mid ah, iyada oo Puntland uga mahadcelisay sida ay ugu soo wareejisay ciidanka iyo gaadiidka waday.
Ciidankan oo u socday deegaanka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay in ay ahaayeen ciidan ay qoratay dowladda Federaalka oo ka soo jeeda Galmudug.
PUNTLAND POST