Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa ka hadlay ciidan iyo gaadiid ay qabatay Puntland, kuwaas oo ka soo tallaabay dhanka Galmudug.
Taliye Fardafuul ayaa sheegtay in ay saaka qabteen labo gaari oo waaweyn oo siday ciidan tababar loo waday oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in baabuurta ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda federaalka oo uu ka mid yahay madaxda tababarada gobollada dhexe, kaas oo uu magaciisa ku sheegtay Carab Maxamed Maxamuud iyo askar ilaalinaysay gaadiidka.
Wuxuu tilmaamay in gaadiidka iyo ciidanka ay soo jireen kantaroolka dhexe ee Puntland, islamarkaana lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo.
Ugu dambayn, taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug wuxuu xusay in baaris lagu sameyso ujeedada ay ciidanka iyo gaadiidka federaalka u soo galeen deegaannada Puntland.
PUNTLAND POST