
Puntland ayaa badda iyo magalooyinka xeebaha ku teedsan ka bilowday howlgal ka dhan ah kooxaha Burcad-badeedda, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday dowladda.
Warbixinta ayaa lagu xusay in howlgalka ay bilaabeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ee PMPF, iyada oo la doonaya in laga hortago khatar kasta oo liddi ku ah xasilloonida badda Puntland iyo guud ahaan gobolka.
Wararka laga helayo saraakiisha PMPF ayaa tilmaamaya in howlgalkan si weyn loo qorsheeyay si uu u noqdo mid suurtageliya in xeebaha deegaannada Puntland laga ciribtiro kooxaha Burcad-badeedda.
Ciidamada Badda Puntland ayaa haatan la soo sheegayaa in ay dhaqdhaqaaqyo isugu jira roondo iyo dabagalo ka wadaan guud ahaan xeebaha Puntland, iyaga oo isticmaalaya doonyo casri ah.
PUNTLAND POST