Calmiskaad: Daacish oo weerartay qoyska sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland

Ururka Daacish ayaa xalay weeraray qoys degan deegaanka Kayaxa oo u dhow tuulada Sheebaab ee degmada Qandala, kaas oo uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland.

Guri ay hurdeen saddex carruur ah oo yaryar, hooyadood iyo ayeeyadood oo jaban ayaa lagu weeraray rasaas iyo bombooyinka gacanta laga tuuro, sida uu sheegay taliyaha horinta Daljir ee ciidanka daraawiishta Puntland Siciid Cali Orshe oo ah aabaha qoyska.

Weerarka Daacish ayaa gaysan wax khasaare nafeed ah, waxaase uu sababay burbur hantiyeed, sida ka muuqatay muuqaal laga duubay guriga iyo qoyska.

Taliye Siciid Orshe ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay goobta soo gaareen wararka oo socdo, balse ay baxsadeen kooxdii weerarka soo qaaday oo xusay in lagu raad joogo.

PUNTLAND POST