Duqeymo ka dhacay deegaanno u dhow Baydhabo

Duqeymo dhanka cirka ah ayaa xalay ka dhacay deegaanno ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kuwaas oo la sheegay in lala eegtay goobo ay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay deegaanka Iidow Dhagaal, halka duqeymo kale laga soo sheegay deegaannada Haawal Aruunde, Ceeldoon iyo Saydheelow.

llaa hadda lama hayo xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymahaas iyo cidda fulisay, inkastoo muddooyinkii dambe Turkiga lagu eedeynayay in uu ka dambeeyo duqeymaha ka dhaca deegaannada Koonfur Galbeed.

Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya, xilli xiisadda siyaasadeed iyo amni ee deegaannada Koonfur Galbeed ay sii xoogeysanayso, islamarkaana garabka taageersan Laftagareen ay wacad ku mareen in ay sii wadi dooaan weerarada ka dhanka ah maamulka Aadan Madoobe.

PUNTLAND POST