
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay wasiirka difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, kaas oo ka dhacay magaalada Beijing.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xiriirka Soomaaliya & Shiinaha iyo ballaarinta iskaashiga difaaca iyo amniga ee labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca Soomaaliya.
Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta is-afgaradyada jira, lana sii ballaariyo iskaashiga difaaca iyo amniga, si xiriirka labada dal loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka tara nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Kulankan wuxuu noqonayaa midkii labaad oo 40 sano kadib ay yeeshaan wasiirrada difaaca Shiinaha iyo Soomaaliya, iyada oo Fiqi noqday wasiirkii difaaca ee u horreyay oo kulan rasmi ah la yeesha wasiirka difaaca Shiinaha tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladdii dhexe ee Soomaaliya.
PUNTLAND POST