Wufuud ku soo qulqulaysa Garoowe

Magaalada Garoowe waxaa maanta soo gaaray wafuud kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bulshada rayidka, kuwaas oo ka qaybgala shir ka dhacaya caasimadda Puntland.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa looga hadli doonaa “Nuglaanta, Dhismaha Dowladnimada & Nabadeynta Soomaaliya” wuxuuna furmi doonaa 21-ka bishan Sebteembar, isaga oo socon doona labo maalmoood.

Wufuuda maanta timid Garoowe, waxaa ka mid ah Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur iyo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yeray), waxaana labada maalmood ee socota la sugayaa wufuud badan oo ka qabgalaysa shirka Garoowe.

Wufuuda iman doonta Garoowe waxaa ka mid ah xubno ka mid ah muraacadka Soomaaliya, kuwaas oo ka mid yihiin Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo xubno ka mid ah labada aqal ee baarlamaanka.

PUNTLAND POST