Safiirka Shiinaha oo la kulmay taliyaha ciidanka Soomaaliya

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu ayaa Muqdihso kula kulmay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, horumarinta aqoonta iyo kor u qaadista tayada iyo awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isku afgartay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga milatari iyo taageerada ku aaddan dhismaha iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Kulankan wuxuu yimid, xilli safiirka Shiinaha uu maalin ka hor u goodiyay maamulka Somaliland oo taageeray jasiiradda Taiwan.

Dhanka kale taliyaah ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saraakiil kale ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Axmed  Aw Cali Firdhiye, iyaga oo sheegay in ay ka wadahadleen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan xoojinta amniga iyo nabadgelyada deegaannada Waqooyi Bari.

PUNTLAND POST