Puntland oo ka hadashay duqeyntii Calmadow

Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn xalay ka dhacday buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in duqeynta ay iska kaashadeen Puntland iyo dowladda Maraykanka, islamarkaana laga beegsaday goob lagu magacaabo Markad, halkaas oo Al-shabaab u ahayd kaydka hubka iyo rasaasta.

Puntland waxay tilmaamay in howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda ururka Al-shabaab ee waqooyiga Soomaaliya, loogana hortagayo in ay hesho goobo ammaan ah oo ay ku dhuumato ama ka abaabusho weerarro.

“Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyey guusha hawlgalka la-dagaallanka argagixisada oo ka dhacay buuraha Golis ee deegaanka Calmadow, kaas oo lagu beegsaday goob lagu magacaabo Markad,  halkaas oo kooxda u ahayd kaydka hubka iyo rasaasta ee ururka Al-shabaab” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

‘Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka waxay mar kale xaqiijinayaan in howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah eeĀ lagu wiiqayo awoodda Al-shabaab, loogana hortagayo in ay hesho goobo ammaan ah oo ay ku dhuumato ama ka abaabusho weerarro, islamarkaana lagu taageerayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Puntland iyo guud ahaan waqooyiga Soomaaliya” ayaa la raaciyay.

PUNTLAND POST