
Duqaymo dhanka cirka ah ayaa xalay ka dhacay buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab.
Weli ma jirto cid ka hadashay duqeymahaas, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in lagu dilay xubno ka tirsan ururka Al-shabaab, sidoo kale lagu gubay gaadiid iyo keyd sahay.
Maraykanka ayaa inta badan duqeymaha noocaaan ah ka fuliya buuraha Puntland ee Calmiskaad iyo Calmadow, kuwaas oo lala beegsado ururada argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab.
Puntland ayaa dhawaan sheegtay in ay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag ka bilaabayso howlgal ballaaran oo ay ugu magac-dartay Onkod, kaas oo ka dhan ah ururka Al-shabaab.
Tan iyo 2010 waxaa buuraha istiraatiijiga ah ee Calmadow dagaaallo badan ku dhexmareen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.
PUNTLAND POST