Shiinaha oo u goodiyay Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga hadashay hadal uu maalin ka hor madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ka jeediyay dalka Maraykanka, kaas oo uu ku ayiday jasiiradda Taiwan.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hadalka Cirro yahay mid dhaawacaya madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee “Hal Shiine”.

Shiinuhu wuxuu caddeeyay in Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, sidaasi oo kalena ay Taiwan tahay qayb ka mid ah Shiinaha.

“Gobolka Somaliland wuxuu si cad u jebiyey mabda’a “Hal Shiine” (one-China principle), waana xadgudub ka dhan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha, si adag ayaan uga soo horjeednaa tallaabadaas. Ku xadgudubka xadka arrinta Taiwan waxay horseedi doontaa cawaaqib xumo daran” ayaa lagu yiri qoraalka Shiinaha.

“Somaliland waa qayb aan laga goyn karin oo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Shiinuhu wuxuu si adag u taageerayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliyeed” ayaa lagu daray.

PUNTLAND POST