Sacuudiga oo sheegay in la weeraray magaaalada barakaysan ee Maka

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo ururka Xuutiyiinta Yemen ku soo weerartay magaalada barakaysan ee Maka.

Sacuudiga ayaa sheegay in tani tahay markii labaad ee Xuutiyiintu weeraraan magaalada Maka oo ku yaallo masjidka Xaramka, waxay tilmaameen in markii ugu horreysay ay ahayd July 2017, markaas oo gantaal ballistic ah lagu soo tuuray magaalada.

Dhanka kale Xuutiyiinta ayaa beeniyay in ay weerareen magaalada barakaysan ee Maka, iyaga oo eedeynta Sacuudiga ku tilmaamay kicinta hore loo isticmaalay.

Xuutiyiinta Yemen waxay maalin ka hor gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen magaalooyin ku yaalla dalka Sacuudiga ah, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 13 qof oo rayid ah, islamarkaana ay ku burbureen dhismayaal.

PUNTLAND POST