
Puntland ayaa ugu baaqday dadka degan dhulka iyo dhismayaasha dowladda in ay si degdeg u baneeyaan oo raadsadaan meel ay degaan.
Wasiirka howlaha guud, gaadiidka iyo guriyaynta Puntland Faarax Cawad oo maanta hadalka ka jeediyay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in la tirikoobay dhulka bannaan iyo dhismayaasha dowlada, islamarkaana dhammaan la geliyay GPS.
Wuxuu sheegay in dhawaan golaha wasiirrada Puntland la horgeyn doono dhulka iyo dhismayaasha dowladda ee la diiwaangeliyay, islamarkaana laga soo saari doono xeer.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in aan cidna laga aqbalayn in ay deegaamaysato dhul dowladeed.
PUNTLAND POST