
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xaawo Aadan Maxamed Camey oo maanta ku geeriyootay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Marxuumad Xaawo Aadan Maxamed Camey waxay ka mid ahayd haldoorka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka u taagan horumarinta waxbarashada iyo adeegyada bulshada.
“Waxaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabweynaha Puntland, uga tacsiyeynaynaa geerida Allaha u naxariisto Xaawo Aadan Camey, oo ahayd shakhsi inagu weyn, waxbadana kasoo shaqeysay arrimaha bulshada iyo horumarka, wakhti badana gelisay Waxbarshada iyo taageerada gorumarinta haweenka, dadka danyarta ah iyo garab istaaga dhallinyarada” ayuu yiri madaxweyne Deni.
“Waxay uga tagtay dadkeeda dhaxal wanaagsan, oo lagu xasuusan doono, haday tahay dadka ay soo saartay iyo xarumaha bulsho ee ay dhistay. Allaah waxaan uga baryayaa in uu janadii geeyo inagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga wada siiyo” ayuu raaciyay.
Marxuumaddu waxay ahayd aasaasaha Xarunta Waxbarashada iyo Nabadda ee Gaalkacyo (GECPD) oo ay ka soo baxeen jiilal badan oo door ku leh horumarka iyo waxbarashada Puntland.
Shaqooyinka ay u haysay bulshada waxay ku muteysatay abaalmarinta caanka ah ee Qaxootiga Nansen Refugee Award sanadkii 2012 iyo biladda TRT World Citizen sanadkii 2019.
Marxuumad Xaawo Aadan Camey waxay ahayd xaaskii, Allaha Unaxariistee Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya, Aasaasihii iyo Agaasimihii Xarunta PDRC, kaas oo isna geeriyooday 2024.
PUNTLAND POST