
Urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay musharraxa rasmiga ah ee dowladda ku meteli doona doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si rasmi ah loo guddoonsiiyay shahaadada musharraxnimada ee ururka JSP.
Dhanka kale siyaasiyiinta gobolka Hiiraan oo ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa qaadacay tallaabadan kuna ballamay shirweyne Beledweyne ah oo ay kaga tashanayaan masiirka-siyaasadeed ee gobolkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in ay 30-ka bishan Sebteembar doorashooyin qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ah ka qabato maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug oo ku celis ah.
PUNTLAND POST