Dowladda Soomaaliya oo taageero u muujisay dowladda Yemen

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa taageero u muujisay xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, iyada oo ka soo horjeensatay dagaallada ay wadaan ururka Xuutiyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Cali ayaa taageerada dowladda Yemen ku muujiyay kulan khadka telefoonka ah oo dhexmaray isaga iyo wasiirka arrimaha dalkaas Dr. Afrah Abdulaziz Al-Zouba.

Labada wasiir waxay wadahadleen xoojinta xiriirka labada dalka iyo xaaladaha hadda ka taagan dalka Yemen, iyada oo si gaar ah uga wadahadlay amniga badda iyo badqabka isu socodka maraakiibta.

Wadahadalkan wuxuu ku soo aaday, xilli maalmo ka hor ay Xuutiyiinta qabsadeen marin-biyoodka muhiimka ah ee Baabul-Mandab iyo dhul badan oo ku yaalla galbeedka Yemen.

PUNTLAND POST