
Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sare u kacaya qiimaha maciishadda daruuriga ah, taas oo saameeyay dadka danyarta ah.
Kiishka sonkorta ah oo markii hore ahaan jiray $27.5 doolar ayaa maanta Boosaaso maraya $32.7 doolar, halka kiishka bariiska ah oo hore u ahan jiray $23 doolar uu marayo $26 doolar, kiishka burka ah oo isna ahaan jiray $22 waxaa maanta la kala siisanayaa $26 doolar.
Sidoo kale kartoonka baastada ah oo ahaan jiray $9 doolar ayaa hadda maraya $11 doolar, halka caagada saliida ah oo ahaan jirtay $4.5 doolar ay maanta marayso $5.5 doolar.
Ganacsatada Boosaaso ayaa sheegin sababta keentay sare u kaca qiimaha maciishada, balse waxaa loo aanaynayaa in ay keentay khilaaf soo noqnoqday oo u dhexeeya ganacsatada iyo dowladda, kaas oo ka dhashay khidmado ay shirkadda DP World ku saartay dekedda magaalada Boosaaso.
Ganacsatada Boosaaso waxay hore cabasho xoogan uga muujiyeen khidmadaha ay soo rogtay shirkadda DP World, taas oo hadda u muuqata in ay iyaguna saareen shacabka.
PUNTLAND POST