
Wasiiro iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug ayaa wada dadaallo lagu baadi-goobayo laguna soo qabanayo gacan-ku-dhiiglayaashii ka dambeeyay dilkii marxuum Sheekh Axmed Yuusuf Haamay oo maalmo ka hor lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiintan waxay kormeer ku tageen deegaannada Roox, Laandheere iyo Uunrays ee gobolka Mudug, halkaas oo ay bulshada kula hadleen, kuna wacyigeliyeen in laga fogaado wax kasta oo keeni kara shaqaaqo iyo aargoosi.

Sidoo kale waxay bulshada ugu baaqeen in ay dowladda iyo hay’adaha amniga u daayaan shaqada, islamarkaana cid kasta oo xog ka haysa dhacdadan ay la wadaagto hay’adaha amniga, si sharciga loo mariyo cid kasta oo falkaas ku lug leh.
Maamulka gobolka Mudug ayaa sheegay in uu adkeynayo in dhacdadan si sharci ah loo wajahayo, islamarkaana aan loo oggolaan doonin in falkaasi uu horseedo shaqaaqo kale ama colaad bulshada dhexdeeda ah.
PUNTLAND POST