Ciidan ka tirsan Booliska Puntland oo tababar loogu xiray Carmo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Booliska, kuwaas oo tababarro ku qaatay Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo iyo Kulliyadda Tababarka Ciidanka ee General Carays ee deegaanka Godod ee degmada Gaalkacyo.

Ciidankan oo ah dufcadaha 11-aad iyo 12-aad ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa isu jira cutub ka tirsan Ciidanka Birmadka oo si gaar ah loo tababaray iyo cutub ka tirsan Booliska caadiga ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku bogaadiyey ciidanka tababarka dhammeystay dadaalkooda, isagoo ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasilloonida Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, maamulka Bari iyo kan degmada Carmo.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe kor u qaaday tayada iyo tirada Ciidanka Booliska, iyada oo lagu biiriyay dhalinyaro aqoonyahan ah iyo cutubyo si gaar ah u tababaran.

PUNTLAND POST