
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isaga oo xalay guure kaga baxay magaalada Garoowe.
Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu Gaalkacyo kulamo kula yeesho saraakiisha amniga, maamulka labada heer iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo uu kala hadli doono amniga iyo horumarinta gobolka.
Safarka madaxweyne Deni ee Gaalkacyo ayaa yimid, xilli labo maalin ka hor uu magaaladaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya.
Puntland ayaa la wareegtay xeradii PSF ee Gaalkacyo, waxaana halkaas ka dhacday arrin ugub ah, kaddib markii shacab iyo ciidanba boobeen saanadii iyo agabyadii kale ee yaallay xeradaas.
PUNTLAND POST