Marxuum Beeldaaje Axmed Mataan oo aas loogu sameeyay Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta kaga qaybgalay aas Garoowe loogu sameeyay marxuum Beeldaaje Axmed Mataan Xasan oo ka mid ahaa isimada dhaqanka Puntland.

Sidoo kale aaska Beeldaajaha waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah isimada dhaqanka Puntland, xubno ka tirsan golayaasha dowladda, culimo iyo qaar la mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan shacabka reer Puntland, isaga oo Alle uga baryey marxuumka inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkii iyo ummaddana ka siiyo samir iyo iimaan.

Marxuum oo ahaa Beeldaajaha Guud ee Beesha Muuse Nooleys (Idigfacl) ayaa khamiistii ku geeriyooday magaalada Garoowe, xilli uu arbacadii ka soo laabtay safar uu muddo ugu maqnaa dalka dibadiisa.

PUNTLAND POST