Golaha wasiirrada Puntland ayaa go’aamiyay in hay’adaha caddaaladda loo gudbiyo magacyada xubno siyaasiyiin, saraakiil iyo shaqsiyaad kale leh, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin falal lagu khalkhal gelinayo amniga iyo nidaamka dowladnimada, si caddaaladda loo horkeeno.
Sidoo kale Golaha ayaa faray dhammaan hay’adaha amniga in aan gudaha deegaannada Puntland lagula dhex socon karin ciidan iyo gaadiid aan ka tirsanayn hay’adaha rasmiga ah ee amniga.
Goluhu wuxuu go’aamiyey in tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaado mulkiilayaasha iyo adeegsadayaasha baraha bulshada ee baahiya wararka aan xaqiiqda ku dhisnayn, laguna sumcad xumeeyo nidaamka dowladnimada Puntland.
Goluhu wuxuu ugu baaqay dhammaan warbaahinta iyo saxaafadda ka hawlgasha gudaha Puntland in ay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda Puntland iyo anshaxa guud ee mihnadda saxaafadda.
Goluhu sidoo kale wuxuu faray ciidamada in ay ka hortagaan, kana hawlgalaan dambiyada abaabulann ee ka dhaca badaha sida burcadbadeedda & kallumaysatada sharci darrada ah iyo in cid kasta oo ku soo xad gudubta biyaha Puntland.
PUNTLAND POST